top of page

Kiro Sahal waa madal online ah oo lagu kireeyo lagana kiraysto guryaha iyo goobha ganacsi ee kuyaala dalka, waxaan fududaynay isku xirka kireeyaha iyo kireystaha.​

Kireeyaasha waxaan u samaynay foom ay kusoo gudbin karaan guryaha ama goobahooda ganacsi iyagoo isticmaalaya telefonadooda goobkasta ay joogaan.

​​

Dhanka kale kireystayaasha inay guri ama goob gancsi kireystaan keliya waxaa ka xigta inay in ay google ku qoraan kirosahal.com, halkaas waxay ku arki doonaa guryaha iyo goobaha ganacsi ee kirada ah.

Waxaan si xil kasnimo iyo hufnaan u hubinaa sax ahaanshaha xogta guryaha lagu soo bandhigo kirosahal.com, si aad go'aan sugan u gaarto.

Waxaan soo jeedinaynaa in lacagta kirada la bixiyo ama la qaato kadib marka la isla arko guriga ama goobta, si loogu fogaado khilaaf.

FG. Anaga waxaan qaadnaa lacag khidmo ah oo aan ku fududaynayno isku xirka kireystaha iyo kireeyaha.

bottom of page