Shuruucda Kiro Sahal
Soo dhawoow Mudane/ Marwo
Markaad booqato ama isticmaasho website-keena, waxaad aqbashay inaad raacdo shuruudaha iyo xeerarka hoos ku xusan. Fadlan si taxaddar leh u akhri.
1. Isticmaalka Kiro Sahal
Waxaa loogu talagalay oo keliya in lagu kala kiresto guryaha, waa mamnuuc in lasoo geliyo xog been ah, kireeyaha ayaa mas'uul ka ah xogta guriga uu soo geliyo.
2. Diiwaangelinta iyo Xogtaada
Markaad diiwaangeliso ama soo gudbiso guri, waa inaad bixisaa xog sax ah.
Kiro Sahal ma qaadi doonto mas'uuliyadda wixii khalad ah ee ka dhasha xog aan sax ahayn.
3. Xaqa Daabacaadda
Dhamaan sawirrada, qoraallada, iyo naqshadda website-ka waa hantida Kiro Sahal, Lama oggola in lagu isticmaalo meel kale oggolaansho la'aan.
4. Mas'uuliyadda Adeegsiga
Kiro Sahal ma dammaanad qaadi karto saxnaanta dhammaan macluumaadka guryaha ay soo diraan kireeyaasha, kireystaha waa inuu xaqiijiyaa faahfaahinta guriga ka hor inta uusan go'aan qaadan ama lacag bixin.
5. Isbeddelada Shuruudaha
Waxaan xaq u leenahay inaan mar kasta beddelno ama cusboonaysiino shuruudahaan, Isbeddel kasta waxaa lagu soo bandhigi doonaa boggan.
Wixii faafaahin ah nagala soo xiriir
WhatsApp: 252619606601
Email: kirosahal2005.com
